Abubakar As-Saddique Islamic Center Faribault

  • Home
  • Abubakar As-Saddique Islamic Center Faribault
hstry-img.png

Abubakar As-Saddique Islamic Center Faribault

Imam Sh. Hersi Hussein Director Sheikh Bashiir. Telefonkana waa 507-210-3137. Minnesota: Gudoomiyaha Golaha Shuurada ee Golaha Majliska Dr Sh Abdirahman Sh Omar oo uu wehliyay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Sh Abdullahi Abul-Fadli ayaa waxay kormeer dacwadeed

  • Imam:
  • Sh. Hersi Hussein
    user image...

History Of Center

Imam Sh. Hersi Hussein Director Sheikh Bashiir. Telefonkana waa 507-210-3137. Minnesota: Gudoomiyaha Golaha Shuurada ee Golaha Majliska Dr Sh Abdirahman Sh Omar oo uu wehliyay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Sh Abdullahi Abul-Fadli ayaa waxay kormeer dacwadeed

Director
Sheikh Bashiir. Telefonkana waa 507-210-3137.

Minnesota: Gudoomiyaha Golaha Shuurada ee Golaha Majliska Dr Sh Abdirahman Sh Omar oo uu wehliyay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Sh Abdullahi Abul-Fadli ayaa waxay kormeer dacwadeed ku tageen Magaalada Faribuilt oo ka mid ah Gobalka Minnesota maalintii Axada ahayd bisha Mayna ay ahayd May 03,15.

Magaalada waxaa ku yaalo Masaajid wayn oo lagu magacaabo (Abubakar As-Sadiiq Islamic Center) Masaajidka ayaa waxaa la iibiyay mudo laba sano ka hor ah,Illaahay Fadligii Jaaliyada Magaalada oo kaashanayo Culimmada iyo Golaha Immaaamyada ayaa waxay la soo wareegeen dhismahan oo markiisii hore ahaa kaniisad, hadana loo badalay Masaajid illaahay lagu caabudo oo noqday guri Illaahay.

Masajidka waxaa lagu iibiyey lacag gaarayso $ 650,000 Waxaa labixiyay lacag gaarayso $ 390,000. Waxaa hada baaqi ah oo ku dhiman masaajidka lacag gaarayso $ 260,000.

Masaajidka waxaa ka baxo duruus, waxaa ku yaalo dugsi qiimo badan oo dad waawayn iyo dad yar yarba lagu baro qur’aanka iyo culuumta sharciga ah, Ardayda dugsiga ayaa waxaa tiradoodu ay la egtahay ilaa 200 oo arday.Mas’uuliyiinta Majliska ayaa waxay warbixino ka dhagaysteen Maamulka Masaajidka, sidoo kale waxay soo kormeereen fasalada ay Ardayda wax ku baranayeen.

Sidoo kale Mas’uuliyeenta Golaha Imaammyada ayaa waxay warbixino siiyeen Maamulka Masajidka Waxayna isla garteen in sida ugu dag dagta badan loo bixiyo lacagta ku hartay Masaajidka.

Kormeerka culimada ayaa wuxuu ku soo dhamaaday jawi aad u quruxbadan.Illaahay Waxaan waydiisanaynaa inuu Golaha Imaamyada waa fajiyo wadada qayrka ah, hawlaha dacwadana Illahay u fududeeyo.

NB:-Dhamaan Muslimiinta khayrka jecel, gaar ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed waxaan ku wargalinaynaa in Laga qayb qaato bixinta lacagta ku hartay guriga illaahay oo ah $ 260,000.

Waxaad Kala xiriiri kartaa si aad khayrkaas uga qayb qaadato Maamulaha Masajidka Abubakar Faribuilt,MN  Sheikh Bashiir. Telefonkana waa 507-210-3137.